Maamulka Hir-Shabeelle oo joojiyay Munaasabad Caleemo saar ah

Amar kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa waxaa lagu joojiyay Caleema saarka Mid kamid ah Nabadoonada Gobolka Shabeellaha Dhexe taas oo dhici laheyd maalinta berito ah.

Warqad Caawa ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Caawa lagu shaaciyay in lagu joojiyay Xaflada Caleemo Saarka Nabadoonka Beesha Cabdalla Agoonyar Gaabane

Sababta loo joojiyay ayaa lagu sheegay in loo arkay in caleemo saarkaas dadka qaarkood ay siyaasadeeyeen,isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle uu u arkay inay keeni karto Amnidarro.

Maalinta Sabtida ah ee soo socota ayaa lagu balamay in Xafiiska Maamulka ee Magalada Jowhar in lagu yeesho kulan looga tashanayo

Hoos Ka Akhriso Wareegtsda lagu joojiyay.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media