DEG DEG: Sacuudiga oo ku dhawaaqay bisha Barakeysan ee Ramadan

Gudiga sare ee Garsoorka Sacuudiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in berito ay tahay 1 Bisha Ramadan sanadka 1437 kuna beegan 6 June 2016ka.

Telefishinka Sacuudiga ee Al Carabiya ayaa xaqiijiyay sido kale in bisha Barakeysan ee Ramadan laga arkay dalka sacuudiga lana xaqiijiyay.

Dalka Australia Muslimiinta ku nool waxa ay waqti hore sii tukaden salaada Taraawiixda iyaga oo bilaabi doona caawa saqda dhexe xiliga Soomaaliya iney sooman maalinta koowaad ee bisha Ramadan maadama ay waqti ahaan ka horeyan Soomaaliya.

In ka badan 1.5 Bilyan oo Muslimiin ah ayaa qayaas ahaan soomi doona caalamka oo dhan sida uu sheegay Telefishinka Al Carabiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor