Ciidamada dowlada oo la wareegay degmada Aadan yabaal ee gobolka Sh/Dhexe

Sida ay tabineyso wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamada dowlada ayaa fariismo cusub ka sameystay gudaha degmada sida wakaalada ay baahisay,balse ma aysan sheegin in dagaal dhacay iyo inuusan dhicin.

Al Shabab weli si rasmi ah ma aysan uga hadlin wararka sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay dib u qabsaden degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor