Midowga Afrika oo ka fiirsanaysa Hawlgalka AMISOM iyo Ciiddanka kaga le’anayo.

Maqaal Falaanqeyn dheer leh oo maanta lagu soo daabacay Websaytka Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency (AA) ayaa lagu xusay inay Midowga Afrika ka fiirsanayaan Hawlgalka ay ka wadaan Somalia oo ay dhibaato kala kulmeen muddo ku dhow 10-sanno.

Heerka dhimashadda ee Ciiddanka AMISOM soo gaaray ayaana sababtay inay inta badan Dowladaha ciiddanka ku yaboohay inay is-weydiiyaan Istaraatijiyadda Hawlgalka AMISOM, Taatikada iyo inuu Kharajkaasi u qalmo.

Machadka Cilmi-baarista Nabadda (The Stockholm International Peace Research Institute ) waxay ku qiyaaseen inay AMISOM ku waayeen Hawlgalka Somalia in ka badan 1,100 Askari muddadii u dhexeysay bishii January ee 2009-kii iyo bishii December ee sannadkii 2014-kii.

Muwanga KivumbiXeeldheere Siyaaasadeed oo lagu magacaabo Muwanga Kivumbi ahna Sharci-sameeye u dhashay dalka Uganda ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee Anatolu Agency in ay Ciiddamadda Caalamiga xal ku keeni la’ yihiin Hawlgalladda Millitiga.

Waxa uu tilmaamay inaan Xaalladda Somalia lagu xalin Karin iyadoo la adeegsanayo Xooggag Hubeysan oo keliya.

“Ma tegi kartid dal shisheeye adigoo wata Ciiddankaaga iyo qoryo, iyadoo ay ka maqan tahay Arrimo Siyaasadeed” ayuu yiri Muwanga Kivumbi oo dalkiisa ka mid yahay 6-da waddan ee ku deeqay Ciiddamo la dagaalama Alshabaab.

Waxa kale oo uu sheegay inay Somalia u yimaadeen si ay Europe ugu taageeraan Hawlgalka, wuxuuna intaasi ku daray inay Maraykanka cashar xun ka barteen Somalia sannadkii 1993-kii, isla markaana aysan doonayn inay Ciiddankooda khatar kale galaan.

Hawlgalkii Maraykanka ee Somalia waxaa looga dilay 18 Askari, lagana soo riday Diyaarad Black Hawk, waxayna guul-daradaasi soo dedejisay in Ciiddanka Maraykanka isaga huleelaan Somalia sannadkii 1994-kii.

Xigasho: Anadolu Agency

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor