Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar maalmahaan Baraha Bulshada leyska dhexmarayay oo ahaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ay bilaabeen inay timaha ka jaraan qaar ka mid ah Dhalinyarada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in amarka dhalinyarada looga jararay Timaha uu ahaa mid Shaqsiyadeed,isla markaana uu bixiyay Taliyaha Saldhiga degmada Xamar Jajab.
โWalaalyaal waxaan waydiinay Hayโadaha amniga cidda amartay in dhalinyarada timaha laga xiiro waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga Xamar Jajab u gaar ahaa,waxaana amar ku bixinay inaan la aqbali karin waqtigaan hada aan ku jirno in dhalinyrada lagu caburiyo rabitaankooda shaqsiga ah waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan.
Arrinta la xiriirta ka jarista Timaha ee dhalinyarada ayaa waxaa horay Caan ugu ahaa Maxkamadihii Islaamiga,waxana hadda uu ku dambeeyaa deegaanad aya dalka ka joogaan Al-Shabaab.