Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
War uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayuu ku sheegay in ay ka wada hadleen waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta 2020/2021.
Waxaa sidoo kale ay labada mas’uul kawada hadleen geeddi socodka nabadda ee Maamulka Galmudug iyo guud ahaanba dalka oo idil, iyadoo CC Shakuur uu ka mahad celisay qaabkii uu Qoor qoor isugu dayay in Dhuusamareeb uu shir ugu qabto Madaxda Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
“Waxaan kulan saacado badan qaatay aniga iyo wafdigayga la qaadanay Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye. Kulanka ayaan diirada ku saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmarreeb. Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaljya. Waxaan mar kale madaxweynaha ugu mahadcelinayaa soo dhowaynta milgaha leh ee uu inoo fidiyey aniga wafdigaygaba” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
CC shakuur ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magalaada Caasimadda u ah maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.