Booliska dalka Suudaan ayaa sheegay in ay 8 carruur ku geeriyoodeen qaraxaasi oo ka dhacay Deegaanka Al-fatax ee Waqooyiga Magaalladda Ondarmaan.
Qoysaska carruurtaasi iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay inay carruurta bamka ka soo qaateen meel ku dhow Saldhig lagu tababaro Militeriga dalkaasi.
Carruurtaasi ayaa la sheegay inay garaaceen Bamka, si ay ugala baxaan maarta ku dhex jirtay.
Dhinaca kale, Afhayeenka Booliska dalkaasi, Haashim C/raxiim oo la hadlay Telefishinka Ashoroq ayaa sheegay inay carruurtaasi ku ciyaarayeen Bamka ku qarxay, iyadoo ay 4 carruur ku geeriyootay isla goobta, halka 4 kalena ku geeriyoodeen Isbitaalka.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay bilaabeen baaritaano ku aadan qaabka uu u dhacay shilkaasi iyo halka ay ka keeneen hubka ku qarxay.