Isbedelkii ugu weynaa oo mar qura dhaca ayaa lagu sameeyay Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo xilalkii laga qaaday taliye qeyb, ku xigeen iyo 10 taliye saldhig Boolis oo ka mida saldhigyada Booliska G/Banaadir.
Taliyayaasha cusub ee loo magacaabay saldhigyada Booliska ayaa u badan sarkaaiil dhalinyarro ah oo ka yimid Nabadsugidda iyo ciidamadii Xasilinta , iyadoo dhowr bilood ka mid ahaa Ciidamada Booliska, iyadoo magacaabiddan uu soo jeedioyey Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo isaguna ka yimid NISA.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah
Maxamed Jeego oo hore u ahaa taliye ku-xigeenkii Nabadsugida G/Banaadir ayaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Banaadir.
C/fataax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan ayaa loo dalacsiiyey Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeenkiisana loo magacaabay Shuceyb Abdi.
Yaasiin Nur Khayre: ayaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka Qeybta bartamaha.
Bashiir Cabdi Siyaad, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan.
Najiib Carab ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Boondheere.
Liibaan Shidane, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaaraan.
Xuseen Cadceed ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Wardhiigley
Ismaaciil Muuse Yuusuf: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska Dharkeynley.
Axmed Taree, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaxda
Axmed Khadar: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Xamarweyne.
Maxamed C/qaadir: ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Waaberi,
waxaana Kuxigeen looga dhigay gabadhii ugu horeysay oo lagu magacaabo Taliso Abtidoon.
Isbedelkan ayaa yimid kadib markii Magaalada Muqdisho ay ka dhaceyn falal amni daro,waxaana ugu dambeysay maalintii shalay aheyd oo Alsahbaab qaraxyo dhowr ah ka geysteen Muqdisho, isla markaana weerar ku galeen xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.