Faaf faahhinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab Caawa ka kacay guri ku yaalla Magaalada hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaana lasoo sheegayaa khasaaro baahsan oo dabkaasi uu gaystay.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dabka oo ahaa mid aad u xooggan uu gaystay khasaaro nafeed iyo mid maal, sidoo kalena waxaa lasoo warinayaa dhaawacyo soo gaaray dad ka ag-dhawaa guriga dabku ka kacay.
dabka ayaa lasoo sheegayaa in uu si gaar ah uga kacay Xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday labo carruur ah, oo sida la sheegay ku jiray guriga dabku qabsaday, sidoo kalena waxaa bas-beelay guriga dabku ka kacay.
Waxaa socda dadaallo lagu yaraynayo khasaaraha ka dhashay dabkaasi, waxaana xaafadda dabku ka kacay gaaray ciidanka dabdamiska Somaliland.