Camaara oo dagan iyo Shabaab oo laga baqdin qabo inay markale gudaha ugalaan degaankaas.

Inkastoo Al-shabaab ay dib uga bexeen degaanka camaara ee gobolka mudug oo ay shalay qabsadeen aya hadana wararkii ugu danbeeyey aynu ka heleyno degaankaas waxaa ay ku waramayaan  inay jirto cabsi laga qabo in markale ay gudaha ufgalaan Shabaab degaankaas.

Mid kamid ah dadka degaanka oo lahadlay idaacada Dalsan waxaa uu sheegay in xaaladu ay dagan tahay balse cabsi ay ka qabaan dadku inay markale yimadaan Shabaab oo ay waxyeelo ka geestaan deegaanka Camaara.

Alshabab ayaa markii ay shalay qabsadeen degaanka waxaa ay tageen xarunta maamulka iyo saldhig ciiddamada Galmudug ay ku lahaayeen Camaara waxaana shalay degankaas shabaab ay kugubeen maqaaxi la sheegay inay ka canteen jireen ciiddamo katirsan maamulka Galmudug oo kutaal Camaara gobolka Mudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media