Hoolka Dhismaha Ciiddanka Cirka ee Afisiyoone ayaa la filayaa in barqanimadda maanta ka dhacdo Munaasabad Heer Sare ah oo lagu caleemo-saari doono Madaxweynaha IFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo xilkaasi ku guuleystay Dorashadii bishan 8-dii lagu doortay Madaxweynaha Qaranka.
Waxaa la filayaa inay Madax ka kala socota dalalka deriska iyo Beesha Caalamka ka soo qeyb galaan Munaasabadaasi Tariikhiga ah.
Guddiga Qabanqabadda Caleema-saarka ayaa sheegay inay rajeynayaan inay Madax badan maanta soo gaari doonaan Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka mid ah Hoggaamiyayaasha la iclaamiyey inuu ku soo wajahan yahay Muqdisho, balse, Madaxda dalalka Kenya, Uganda, Ethiopia iyo dalalka kale ee ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia ayaan ka soo qeyb geli doonin Munaasabadaasi.
Wafuud ka kala socota dalalkaasi oo Heer Wasiir ah ayaana ka soo qeyb geli doona Caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo.
Diplomaasiyiinta Dalalka Caalamka iyo Madaxda Ururradda Caalamiga ayaa iyagana lagu casuumay Xafladaasi oo bilaaban doonta 11:00 Barqanimo ilaa 03:00 galabnimo ee maanta.
Caleema-saarka kadib, Madaxweyne Farmaajo waxaa laga sugayaa Magacaabista Ra’isul-wasaare soo Xukuumadda Cusub ee Federalka, mana kala cadda Siyaasiga uu u soo xulan doono, inkastoo ay jiraan xubno la hadal-hayo in midkooda loo magacaabi doono Ra’isul-wasaaraha.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa filan kara inay Ra’isul-wasaaraha cusub isku khilaafi karaan Aragti Shaqo, waana Hab-dhaqan uu Waayo-arag u soo ahaa Xilligii uu Ra’isul-wasaaraha ka ahaa Dowladdii KMG ee Dowladdii Madaxweyne Sheekh Shariif, ka hor inta uusan isku casilin Khilaaf shaac baxay bishii June 19-dii ee sannadkii 2011-kii.
©Radio Dalsan