Ammaanka Guud ee magaalladda Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, waxaana la xadiday Gaadiidka, iyadoo ay inta badan Waddooyinka muhiimka yihiin kuwo haawanaya.
Ciiddamo badan oo ku hubeysan Gaadiidka Teknikadda iyo Qoryaha Fudud ayaana taagan Waddooyinka Muqdisho, kuwaasi oo aan dadka socotada ku hdibaynin inay maraan Waddooyinkaasi.
Xoogsatadda iyo Shaqaalaha kale waxay saakayto ahaayeen kuwo cagtooda maalayo, iyadoo Shaqaalaha Dowladda iyo Ardayda Dugsiyadda iyo Jaamacadaha la wada fasaxay.
Xirnaanshaha Waddooyinka waxa uu saamayn ku yeeshay dadweyne badan, kuwaasi oo ay ku jiraan Dad xanuunsan oo Ballan Dhakhtar lahaa iyo kuwo aan maanta tegi karin goobaha ay ka soo saaran jireen Nolol-maalmeedkooda.
Gaadiidkii Khudaarta iyo Caanaha keeni jirtey magaalladda Muqdisho ayaa maanta ku xayiran Kontoroolka Afgooye iyo Kan Balcad, waxaana Suuqyadda laga dareemayaa sicir-barar ku yimid Khudaarta darruuriga ee sida aadka loo isticmaalo.
Si kastaba ha ahaatee, Dadweynaha ku nool Muqdisho waxay maalmaha jidadka xiran yihiin noqdaan kuwo cagtooda maala, si ay u gaaraan goobahooda shaqo oo laga yaabo inay Cirif-ka-cirif u lugeeyaan magaalladda Muqdisho oo sii ballaaratay.
©Radio Dalsan