Kulan laga yeeshay amniga degmo ka tirsan Gobolka Bari

Waxaa habeenkii xalay aheyd dagmada Qandala ee Gobolka Bari lagu qabtay kulan looga hadlaayay amniga, kadib markii shalay halkaas ay gaareen wafdi ka socday Maamulka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoomiyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiinno), waxaana looga hadlay xoojinta amniga Qandala iyo sidii loo dardar-gelin lahaa Shaqooyinka dagmada.

Kulankaas ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobalka Bari iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalkaas G/Sare Xuseen Cali Maxamuud iyo saraakiil kale, isla markaana waxaa Taliska Booliska Qandala la faray inay dardar-geliyaan sugida amniga degmada.

Sidoo kale Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ayaa kulamo kale la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada Qandala, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan, wuxuuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media