Cali Guudlaawe oo shir gudoomiyay shirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay shirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shirka oo maanta ay kasoo qeybgaleen Wasiiru dowlaha Amniga, Maamulka Gobolka  Shabeellaha  Dhexe, Gudiga Amniga, Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad,  Taliyaha Ciidanka Danab ee Hirshabeelle, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Hirshabeelle, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Ciidanka Haram cad  ee Hirshabeelle

Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixinta  todobaadlaha ee xaaladaha Amniga ka dhageystay Saraakiisha Hay’adda Amaanka

Saraakiisha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo ay todobaadkaan sameeyeen oo ay ku soo qabteen Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Amniga shaqada adag oo ay umadda u hayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media