Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/Wasaaraha oo xilka la wareegay

Munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xogayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane C/risaaq Xuseen Aden waxa uu si rasmi xilka ugu wareejiyay Xoghayaha Joogtada ee cusub Dr. Maxamed Ibraahim Nuur oo todobaadkan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Xil wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir. Xoghayihii xilka wareejiyey ayaa u mahad celiyay shaqaalaha waaxaha kala duwan ee Xafiiska ee ay soo wada shaqeeyeen intii uu xilkaas hayay ,waxuna sheegay in uu guul iyo horumar u rajeynayo.

Xoghayaha cusub ee joogtada ee Xafiiska Dr. axamed Ibraahim Nuur oo hadlay ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Maxamed Xuseen Rooble. Isagoo ka codsaday hay’adaha dowladda iyo shaqaalaha xafiiska wada shaqeyn .

Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane C/xakiin Xasan Ashkir ayaa tilmaamay sida uu yahay sunnaha dowladnimadu xilku yahay meerto, si xushmad lehna u sagootinayay Xoghayihii hore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media