Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, Saraakiil iyo Maamulada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle ayaa kormeer indha indhayn ah ku tagay tuulooyin hoos yimaada Degmada Raage Ceelle.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa dagaalamayassha AL-shabaab, waxa uuna faray shacabka Hirshabeelle in ay kaalin ka qaataaan howlgalada ka dhanka ah AL-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, isagoo xusay in dhowaan deegaanno iyo degmooyin muhiim ah laga dulqaadi doono Al-Shabaab.