Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in maalmaha soo socda si rasmi ah uga furmo caasimadda.
Imaanshaha Laftagareen ayaa imaaneysa iyadoo ay Muqdisho horey ugu sugnaayeen madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug, taasoo sare u qaadday filashada ah in shirka si rasmi ah u qabsoomo.
Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana wehlinayay xubno sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo wafdi ballaaran.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo door ah oo muhiim u ah mustaqbalka dalka, sida:
-
Habsami u socodka hanaanka doorashooyinka
-
Dhammeystirka dastuurka
-
Qorshaha amniga qaranka iyo la dagaallanka alshabaab
-
Xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada
Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkan uu qeyb ka noqdo Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo haatan ku sugan Muqdisho, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ka qeybgalka rasmiga ah ee wafdigiisa.
Dhanka kale, weli waxaa magaalada ka maqan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo aan ilaa hadda caddeyn in ay shirka kasoo qeyb geli doonaan.