Maydka Saxafiyad u dhalatay dalka EL SALFADOOR oo la helay

Saxafiyadaasi oo la oran jirey Kaarla Turkiyoos ayaa la sheegay in maydkeeda laga helay waddo dhinaceeda oo ku taalla  duleedka Degmadda Santa Rosa Gujaipilin oo 100-KM dhanka Waqooyi kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee San Salvador.

Saxafiyadaasi oo 33-jir ahayd waxaa maydkeeda aqoonsaday Ninkeeda, sida lagu qoray Wargeyska La Prensa Garafiika oo ay Sxaafiyadda u shaqeyn jirtey.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalkaasi, SANJEES KEREEN waxa uu ku amray Hay’addaha Ammaanka inay soo qabtaan Dembiilayaashii ka dambeeyey dilka Saxafiyadaasi.