Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka heleyso duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Alshabaab.
Dagaalkaana ayaa daqiiqado ka hor waxa u ka qarxay deegaanka biitaale oo duleedka ka ah magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaana weerar ku qaaday ciidamada dowladda Soomaaliya iyada oo halkaas ay saldhig ku leeyihiin Alshaab,waxaana la maqlayaa juggta iyo dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya.
Dagaalka oo socda awgiis ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha,waxaana halkaas laga maqlayaa daryanka rasaasta ka dhaxeysa deegaanka Biitale ee duleedka ka ah magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.