Dagaalyahanadda Ururka Daalibaan ayaa la sheegay inay Waaberigii saakayto weerar gaadmo ah ku dileen Askartaasi oo ku sugnaa Baro Kontorool oo ku yaalla Degmadda BADGHIS ee Galbeedka dalkaasi. Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib, markii ay Daalibaan sheegeen inay dib u bilaabi doonaan dagaalka, kuna gacan sayreen Baaqii uu Mdaaxweyne Ashraf Qaani ku codsaday in muddo 10 maalmood lagu kordhiyo xilliga Xabbad-joojinta ee horey loogu heshiiyey malmihii ciidda ee bilowgii isbuucan.
In ka badan 50 qof ayaana la dilay xilligii ay socotay Xabbad-joojinta, iyadoo Kooxda Daacish sheegatay mas’uuliyadda qarax lagu dilay ugu yraaan 30-qof.