Saldhig ay Isbahaysiga Maraykanka ku leeyihiin Gobalka Kurdistan ee Waqooyiga Iraq ayaa la sheegay in lagu weeraray Diyaarad Daroon, sida uu sheegay Afhayeenka Isbahaysiga Maraykanka, Kolonel Wayne Maotto.
Isagoo la hadlayey Telefishinka Al-Sumariya ee Iraq waxa uu tilmaamay in Diyaarad Daroon xalay lagu weeraray Saldhigaasi, balse, ma sheegin khasarada ka dhashay Weerarkaasi.
Telefishinka kale ee Rudaw TV waxa uu sheegay in Daroon lagu weeraray Saldhiga Milliteri ee Al-xariiri oo ku yaalla Gobalka Erbil ee Waqooyiag Iraq.
Dhinaca kale, Ciiddanka Maraykanka ka jooga Iraq ayaa la filaayaa inay oggolaadaan inay Ciiddankooda kala baxaan gudaha dalka Iraq dabayaaqada sanadkan 2021-ka.