C/raxmaan C/Shakuur “Qatar dhib intii ku filan Soomaaliya way u geysatay”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Arrimo ku aadan dowladda Qatar ee Soomaaliya, isagoo baaqna u diray.

Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu ku sheegay in dowladda Qatar ay isku dayeeyso in  muddo kordhin ay u sameeyso Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur ayaa Qatar ugu baaqay inay ay joojiso isku dayga ay muddo kororsiga ugu raadinayso Madaxda dowladda uu hogaamiyo  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Dowladda Qatar dhib intii ku filan Soomaaliya way u geysatay. Waxaan ugu baaqaynaa in ay joojiso isku dayga ay muddo kororsiga ugu raadinayso madaxda muddo xileedkoodii idlaaday” ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur.

Ugu dambeyn Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta uu dhamaca kaga jiro muddo kororsi in ay ka waantoobaan arrintaas, isla markaana kalsooni is geliyaan, shacabkoodana aaminaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media