Diyaarado sida gaadiid oo ka degay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay ay ka degeen diyaarado siday gaadiidka nooca xabada aan karin ee loo yaqaano Bullet-proof.

Diyaaradaha ka degay Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay inay sideen ku dhawaad 4 gaadiid, isla markaana loogu talagalay in garoonka looga galbiyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ee ku wajahan halkaas.

Talaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in Caasimadda Galmudug laga saaro ciidamada Booliska dowladda ee Haramcadka, kuwaas oo ay horey Magaalada ay dowladda u geysay xiligii Doorashadii Madaxweyne Qoorqoor.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa shuruud ku xiray sida la sheegay inay ka qeyb galaan shirka Maalinta berri Dhuusamareeb uga farmaya Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, waxaana halkaas laga soo daad-gureynayaa Ciidanka Haramcad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media