Hadal ka soo baxay Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa lagu sheegay inay ugu yaraan 521 Tahriibayaal geeriyootay muddadii u dhexeysay bishii Janaayo ilaa bishan March 9-da, iyadoo ugu yaraan 4 kale geeriyootay Jimcihii la soo dhaafay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inay tirada sannadkan geeriyootay gaarayaan 525 qof.
Dhinaca kale, Tirada Guud ee Tahriibayaashii geeriyootay sannadkii hore dhamaayeen in ka badan shan kun oo Tahriibayaal.
Afhayeenka Hay’adda IOM, Flavio Di Giacomo ayaa sheegay in intya badan Muhaajiriinta ka soo safarta Xeebaha Libya u badan yihiin kuwo u kala dhashay Nigeria, GINI, Ivory Coast iyo Bangaladesh.
©Radio Dalsan