Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in Boqolaal ka tirsan Saraakiisha Ammaanka inay shaqooyinkooda iska casileen ama ay qorteen Waraaqaha Is-casilaadda shantii sanno ee la soo dhaafay.
Saraakiisha oo badankooda ka tirsanaa Ciiddanka Difaaca Kenya (The Kenyan Defence Forces) ayaa sheegay inay Shaqooyinka Ciiddanka uga tageen sababo la xiriiray Xaalladda Shaqada oo liidata iyo Eedeymo la xiriira inay taageeraan Kooxaha looguy yeero Argagixisadda.
Arrintan ayaa timid, iyadoo Hay’adda Sirdoonka Kenya iyo Garabka Sirdoonka Milliteriga si dhow u ilaaleeyaan Saraakiishaasi oo badankooda Muslimiin ah, kuna eedeeyaan inay Xag-jirnimo ka dhex wadaan Hay’adda Ammaanka.
Wargeyska The Star ayaa soo ogaaday inay weli socdaan carrada xooggan iyo shakiga u dhexeeya Saraakiisha Hoose iyo Kuwa Sare ee Hay’adaha Ammaanka Kenya.
Xeeldheerayaasha ayaa ku baaqay inay xaalladda tahay mid khatar ah.
Sarkaal codsaday inuu ka ruqseysto Ciiddanka Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The Star inaysan Taliyayaasha Milliteriga rumeysnaan Karin iyaga, isla markaana ay niyad-jab kala kulmaan.
Waxa uu intaasi ku daray in isaga iyo 4 saaxiibadiisa ah loo diray Degmo ku taalla Xuduudka si ay ula dagaalamaan Alshabaab, balse iyaga dib looga yeeray Nairobi, loona sheegay inaysan ka qeyb geli Karin Hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab.
Dhinaca kale, Saraakiisha sarsare ee Ammanka Kenya waxay ku eedeeyeen Saraakiisha codsatay inay iska casilaan Ciiddanka Ammaanka inay yihiiun kuwo doonayo inay ku biiraan Xarakadda Alshabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya, Njoka Mwenda ayaa u shegay Wargeyska The Star inuu qoddobkaasi yahay mid khatar ah, una baahan yahay inuu dhinacyo badan kala hadlo qoddobkaasi.
Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo iyo Jeneral Isaiah Osugo ayaa la sheegay inaysan ka jawaabin Wicitaanka Wargeyska The Star.
©Radio Dalsan