Boliska Malaysia oo xiray haween lala xiriirinayo dilkii Kim Jong Nam.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay xireen Haweeney wadatay Dukumentiga Safarka ee dalka Vietnam, waxayna Boliska baadi-goobayaan shisheeye kale oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii Kim Jon Nam oo ay isku aabe ahaayeen Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.

Haweeneyda ayaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Kuala Lampur, kadib, markii laga aqoonsaday Muuqaalka Kamerooyinka Dadban ee CCTV ee ku rakiban Garoonka.

Boliska waxay sheegeen in Dukumentiga Haweeneyda wadatay uu ku qoran yahay magaca Doan Thi Huomg oo dhalatay 1998-dii.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Taliyaha Ciiddanka Boliska ee dalka Malaysia, Nuur Rashiid Ibraahim ayaa u sheegay REUTERS inay ku raad-joogaan dhowr qof oo dhamaantooda Ajnabi ah, balse ma sheegin magacyadooda, dalalka ay u dhasheen iyo Jinsigooda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media