Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in Danjire Jumca Maxamed C/llaahi Al-kaabi ayaa u geeriyooday dhaawac bishii hore ka soo gaaray qarax ka dhacay magaalladda Khandahaar ee dalka Afganistan, oo ay ku geeriyoodeen 5 shaqaale Samafal oo u dhashay Imaaraadka.
Kooxda Daalibaan wey beenisay inay ka dambeysay qaraxa lala beegsaday Xarun ay Diplomaasiyiinta Imaaardka ka hirgelinayeen Mashaariic Samafal oo lagu kaalmaynayo dadka Reer Afganistan.
©Radio Dalsan