Boliska Kenya ayaa weli ku raad-jooga sidii lagu heli lahaa Nin ka mid ahaa Rakaabka Diyaarad ka ambabaxday Muqdisho oo isbuucii hore Transit ahaan ugu degtay Garoonka Diyaaradaha Wajeer ee W/bari ee dalkaasi.
Boliska waxay sheegeen inay weli socdaan Baaritaanka Ninkaasi, iyadoo ay Dadka Deegaanka sheegeen inay tuhunsan yihiin in Ninka la waayey ahaa Dembiile.
Boliska waxay u adeegsadeen Eeyaha wax uriya si loo baadi-goobo Ninka Rakaabka ee la waayey, kaasi oo Garoonka kaga degay Shandadii uu watay.
Hadal-haynta Ninka Rakaabka ee lagu waayey Garoonka Wajeer ayaa isbuucii hore si xawli ah loogu faafiyey qaar ka mid ah Warbaahinadda Maxaliga ee Somalia iyo Baraha Bulshadda ay ku wada xiriiraan.
Wasiiru-dowlayaashii Caafimaadka iyo Madaxtooyadda ee XFS ee uu xilligeedu dhamaaday, Cusmaan Cabdi Daallo iyo Mahad Salaad oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Diyaaradaasi ayaa sheegay in Rakaabka lagu khasbay inay dhowr jeer ka soo degaan Diyaaradda, lana baaro, iyadoo la qaaday tallaabo kasta oo dhinaca Ammaanka oo lagu raadinayey Ninka ka midka ahaa Rakaabka ee la waayey.
Si kastaba ha ahaatee, Garoonka Wajeer waxaa inta badan ku dega, laguna baaraa Rakaabka iyo Diyaaradaha ka yimaada Somalia, ka hor inta aan loo fasixin safarka ay ugu socdeen magaalladda Nairobi.
©Rado Dalsan