Sida lagu soo daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, waxay Boliska sheegteen inay xalay heleen Kayd Hub ka heleen oo lagu aasay meel ka baxsan Guri la deggan yahay oo ku yaalla Deegaanka Bula Sagare ee duleedka Degmadda Garissa.
Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Ambassador Maxamuud Saalax ayaa Saxaafadda u sheegay in hubka la helay ka kooban yihiin Qori AK 46, 210 xabbo oo rasaas ah, Bam Gacmeed, miinadda IEA iyo waxa u uku sheegay Jaakadda loo adeegsado Qaraxyadda, waa sida uu hadalka u dhigay.
Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya waxa uu tilmaamay in xubin ka tirsan dadka deegaanka ku soo wargeliyey arrintaasi, taasina ay keenay iany Saraakiisha Ammaanka si fudud ku soo saaraan Kaydka Hubka.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin dad loo soo xiray Kiiskaasi, isagoo sheegay inay tahay markii 3-aad ee Garissa laga helo Kaydad Hub oo dhulka lagu aasay, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinayo Sheegashada Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya ee arrintaasi, waxaana laga yaabaa in arrintaasi looga dan leeyahay Borobogaando ay Ciiddanka Ammaanka Kenya soo hindiseen.
©Radio Dalsan