Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa beeniyey Warbixinta Hay’adda Human Rights ku sheegtay in ugu yaraan 34 qof oo u badan Somali oo lagu la’ yahay dalkaasi labadii sanno ee la soo dhaafay.
Afhayeenka oo Khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa ku dooday inaysan Siyaasadda Dowladda ahayn inay dadka dilaan, isla markaana ay ku nool yihiin dal uu Sharci ka jiro.
Waxa uu intaasi ku daray haddii Saraak Boliska lagu xaqiijiyo inay ku lug leeyihiin dadka la la’ yahay inuu qaadi doono Mas’uuliyadda falalkaasi.
“Ma badbaadinayno qof kasta oo jebiya Sharciga, waana la soo maxkamadayn doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Boliska Kenya.
Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Hay’adda Human Rights Watch dhawaan soo saartay Warbixin lagu sheegay in la la’ yaahay ugu yaraan 34 qof oo Somali ah, kuwaasi oo maarkii ugu dambeysay ku jiray gacanta Ciiddanka Kenya.
Tan iyo wixii ka dambeeyey Weerarkii Alshabaab ka geysteen Dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi sannadkii 2013-kii, waxay Hay’addaha Ammaanka Kenya qaadeen Hawlgallo ka kala dhacay magaallooyinka Nairobi iyo Mandera, halkaasi oo lagu soo xiray dad badan oo ilaa haatan la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda.
©Radio Dalsan