Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji, oo ka mid ah Baarlamaanka Federalka ee soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Dalsan, ayaa sheegay in ay jirto kala aragti duwanaasho ku aadan qaabka xulista Baarlamaanka federalka soomaaliya, ee ay leedahay beesha uu isagu metelo oo saddex kursi oo ay leedahay labo ka mid ah la sheegay in lagu soo xulayo, Magaaladda Cadaado ee Galmudug, halka midka kalena isna lagu soo xuli doono Magaaladda Kismaayo ee Jubaland.
Xildhibaanka, ayaa intaasi ku daray in Beesha Sheekhaal ay isku raacday, in saddaxdooda kursi laga soo wada xulo xubnaha u metelaya Magaaladda Kismaayo, oo aysan aqbaleynin in qeyb kamid ah lageeyo Galmudug, waxaana hadaladiisa kamid ahaa:.
Halkan ka Dhegeyso: