Ninkaasi oo 17 ahaa ayaa la sheegay inuu Tooreey iyo Masaar ku weeraray rakaab la socday Tareen marayey meel ku dhow magaalladda Wuerzburg ee Koonfurta dalkaasi, wuxuuna si xun u dhaawacay 3 qof oo ka mid ahaa Rakaabka, iyadoo ay ugu yaraan 20 kalena laga daaweeyey sas ay ka qaadeen shilkaasi.
Boliska waxay sheegeen inay Wiilkaasi toogteen, xilli uu doonayey inuu ka baxsado halkii uu dadka ku dhaawacay.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Gobalka Bavaria, Joachim Herrrman ayaa sheegay in Eedeysanaha la dilay ahaa Magangelyo doon aysan wax waalid ah la soconin, kaasi oo deganaa meel ku dhow Degmadda Ochsenfurt.
©Radio Dalsan