Qoraal uu Madaxweyne Joe Biden u diray Afhayeenadda Aqalka Senedka ee Kongareeska waxa uu faahaahin kaga bixiyey Hawlgallada ay Milliteriga Maraykanka ka wadaan dalalka Geeska Afrika, Gacanka Carbeed, Afganistan, Iraq, Syria, Yemen iyo kuwo kale iyo Saldhigyada ay ku leeyihiin Kenya iyo Jabuuti.
“Waxaan idiin soo gudbinayaa Warbixin dhamaystiran oo uu Maamulkayga soo diyaariyey, isla markaana waafaqsan Qaraarka Awoodaha Dagaalka (Qaanuunka Guud 93-148) ee qeybta ka ah dadalkayga si aan Kongareeska ugu wargeliyo Arrimaha Daad-gureynta Ciiddamada Maraykaka ee u qalabaysan dagaalka” ayuu Madaxweyne Joe Biden ku qoray Warbixintiisa oo loogu magic-daray Hawlgalladda Milliteri ee lag taageerayo dadaalada Maraykanka ee La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisada.
Warbixinta waxa kale oo uu ku soo hadal-qaaday tan iyo bishii October 7-dii ee sanjadkii 2001-dii inay Ciiddanka Maraykanjka oo ay ku iraan Ciiddanka Hawlgalladda Khaaska inay fuliyeen hawlgalo dagaal oo ka dhan ahj Ururka Al-Qaacida, Daalibaan iyo ciiddamada kale ee la shaqeeya.
Saldhig ugu yeesheen gudaha dalka Kenya, wuxuuna bidhaamiyey in Ciiddankaasi taageeri doonaan waxa uu ugu yeeray Hawlgalladda La-dagaalanka Argagixisadda ka socda Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u yiri.
Warbixintiisa waxa kale oo uu ku xusay inay Milliteriga Maraykanka sii wadi doonaan inay wada-shaqeyn la yeeshjaan Dowladda Jabuuti oo uu xusay inay u fasaxeen Xuduudaheeda inay Saldhig ku yeeshaanj Ciiddanka Maraykanka.