Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay inta uu socday dardar-galinta kiisaska hor yaalla Maxkamaddaha Ciidamada, isla markaana u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, si loo dardar-geliyo shaqada Garsoorka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan tayeynta Shaqaalaha iyo howlwadeenada ka shaqeeya Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Guddoomiyeyaasha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada ayaa dhankooda xusay inay ku dadaalo doonaan in si cadaalad ah loo fuliyo kiisaska hor yaalla Maxkamaddaha.
Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadhaandhigga Xukuumadda Xasan Maxamed Siciid Samatar Gacaliye iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Maxkamaddaha Ciidamada.