Ergadda Sare ee QM iyo Ururka mIdowga Afrika uga wakiilka ah Arrimaha dalka Somalia waxay si kulul u cambaareeyeen Weerarkii Is-qarxinta ee shalay galab ka dhacay Hoolka shirarka ee Maamulka Gobalka Banaadir, kaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 6 qof, kuna dhaawacmeen dhowr kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Engineer C/raxmaan Cumar Cusmaan.
War-qoraal oo ay soo kala saareen Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan iyo Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika u jooga Somalia, Ambassador Francisco Madeira waxay ku sheegeen inuu weerarkaasi muujinayo caddowtooyo ka dhan ah Nolosha Aadanaha, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan, ahna Madaxa Hawlgalka QM ee Taageerida somalia ee UNSOM waxa waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inay QM garab taagan tahay dadka iyo Dowladda Somalia si looga hortago weeraradaasi oo kale.
Wuxuuna Tacsi u diray dhamaan Qoysaska ay dadkooda ku geeriyoodeen Qarixii shalay ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, wwuxuuna caafimaad u rajeeyey kuwii ku dhaawacmay Weerarkaasi oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab sheegteen mas’uuliyadeeda.
Dhinaca kale, Dowladda Turkiga waxay si kulul u cambaaraysay Is-qarxintii shalay ka dhacday Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ee magaalladda Muqdisho.
Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga soo saartay waxat ku sheegtay inay aad iyo aad ugu xun yihiin inuu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Engineer C/raxmaan Cumar Cusmaan uu ku dhaawacmay qaraaxasi isaga iyo dhowr qof oo kale.
Dowladda Turkiga waxay kaloo sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan weerarkaasi, waxayna Tacsi u direen DFS, Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyaska ay dadkooda ku geeriyoodeen Qaraxaasi, iyo inuu Rabbi uu Naxariistiisa ka waraabiyo dadkii ku waayey noloshooda.