Wakaalladda Wararka dalka Sudan ee SUNA ayaa sheegtay in la xiray 16-qof oo ay ka mid yihiin Taliyihii Milliteriga dalkaasi, Jeneral Haashim Cabdul-mudalib Axmed, Saraakiil sarsare oo ka tirsan Milliteriga, Hay’adda Sirdoonka, Saraakiil hawlgab ah iyo Hoggaamiyayaal ka tirsan Xisbigii Kongareeska Qaranka ee NCP ee hayey Talada dalkaasi iyo xubno ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee dalkaasi.
Saraakiisha la xiray ayaa la sheegay inay bishan July 11-dii ku dhaqaaqeen Isku-day Afgembi Fashilmay, sida laga soo xigtay Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi, kuwaasi oo tilmaamay in Afgembiga la doonayey in lagu carqaladeeyo Heshiiska Awood-qeybsiga ee ay kala saxiixdeen Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahaysiga Isbedel-doonka ee dalkaasi.