Hadal-qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha daneeyo arimaha Soomaaliya ayaa looga hadlay dib-u- dhaca kooban ee mar kale ku yimid Doorashooyinka dalka.
Qoraalka ay sida wadajirka u soo saareen Beesha Caalamka, gaar ahaan Dalalka iyo Ururradda Caalamiga waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen inuusan Dib u dhac kale ku imaan doonin Doorashooyinka sanadkan 2016-ka la filayo in ay Dalka ka dhacaan.
War ka soo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Boqortooyada Engriiska, iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in uusan dib u dhac ku imaanin Doorashada Soomaaliya, isla markaana aan laga daba marin Karin Bisha November ee soo socota.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay ilaaliyaan waqtiga Doorashada, waxayna ku taliyeen in Doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynahaay muhiim tahay in ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.
Xubnaha Beesha Caalamka ayaa horey u sheegay in ay bixiyeen Boqolkiiba Lixdan lacagta ku bixi laheyd Doorashada Soomaaliya, iyagoo sidoo kale codsaday in Doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.
Soomaaliya waxa ay galaysaa waqti kala guur ah waxaana lagu wadaa in dalka ay ka dhacaan Doorashooyin Bilaha October iyo November.
Guoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Doorashada Aqalka Sare in ay dhici doonto 5-ta October, Mid Baarlamaankana ay dhici doonto 10-ka ilaa iyo 23-ka November, mida Labada Aqalna ay dhici doonto 23-ka November iyo mida ugu dambeysa oo ah tan Madaxweynaha waxay dhici doontaa 30-ka November.