Banaanbax lagu taagerayay Ra”isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho.

Dibadbaxaan oo ahaa mid lagu taagerayay Ra”isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa ka dhacay fagaraha Daljirka Dahson ee magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay dadweyne iskaga kala yimid degmooyinka gobalaka Banaadir.

Waxaa soo agaasimay dibadbaxa mamulka Gobalka Banaadir waxaana lagu soo dhaweyanayay magacaabista Ra”isulwasaaraha Xukumadda Fedraalka Soomaaliaya oo uu madaxweynuhu u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Horay waxaa u soo dhaweyay magacabista Ra”isulwasaraaha cusub ee Soomaaliya Maamul gobaleedyada dalka ka jira sida J/land,Puntland,Hirshabelle,Koofurgalbeed iyo Galmudug waxaana dhawaan la hor geyn doona Baarlamaanka Soomaliya si codka kalsoonida ah ay ugu qaadaan.

  

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media