Gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Akadeemiyad Gobaleedka Afka-Soomaaliga oo ka wada hadlay Daryeelka Afka Hooyo.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi C/laahi iyo Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa kulan gaar ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa  ilaalinta, daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka Soomaaliga.
Munaasabadii kulankaasi ayaa hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi waxa uu sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay kulanka ay wada qaateen Gudoomiyaha  Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana uu caddeeyay inuu soo dhaweynayo dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto daryeelka afkeena hooyo, isagoo balan qaaday inuu u hawl gali doono sidii uu gacan uga gaysan lahaa horumarinta afka Soomaaliga.

Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda iyo waxqabadka Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga (Aga), waxaana uu carabka ku dhuftay in hadafka Akadeemiyadu uu yahay sidii afka Soomaaliga halista looga badbaadin lahaa, adeegsigiisana loo sixi lahaa, iyadoo laga dhiganayo nabad side  walaaleeye Soomaalida.

Munaasabadii kulankaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Md, Abshir  Buqaari iyo masuliyiin kale.

Kulankaasi taariiqiga ah  ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii 21-kii bishan si rasmi ah loogu dabaal degay maalinta caalamiga  ah ee afka hooyo, sannad walba ayaa maalintaasi oo kale waxaa caalamka iyo Soomaaliyaba laga oogaa xusas looga hadlayo daryeelka af kasta oo dunida looga hadlo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media