Xildhibaanadii saxiixay mooshinkii madaxweyne Cosoble oo si dhaafaya 70 iyo qalqal siyaasadeed oo Hirshabelle wajaheyso.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegeen inay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.

Xildhibaanadan oo gaaraya ku dhowaad 50 ayaa Madaxweyne Cosoble waxaa ay ku eedeeyeen inuu ku kacay eedeymo ay ka mid yihiin xil gudasho la’aan, la tashi la’aan, ku takri fal awoodeed.

Afhayeenka xildhibaanada saxiixay Mooshinkan C/wali Sheekh Cali ayaa ka warbixiyay eedeymaha ay usoo jeedinayaan Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Mooshinkan la sheegay in laga gudbinayo Madaxweyne Cosoble ayaa salka ku haya Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay, inkastoo xildhibaanada ay beeniyeen in ay ka soo horjeedaan Golaha Wasiirada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media