Alshabaabkii ka dambeeyey qaraxyaddii 2010-kii ka dhacay Kampala oo la shaaciyey xilliga la maxkamadeynayo

13 shaqsi oo ay Boliska Uganda ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Qaraxyaddii Mataanaha ee bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii ka dhacay magaalladda Kampala  ayaa lagu wadaa inay dacwadooda bilaaban doonto bisha soo socoyta ee June 8-da.

Sarkaal u hadlay Garsoorka Uganda, oo lagu magacaabo Soloman Muyita ayaa shalay u sheegay Suxufiyiinta in dacwadaasi dib loo bilaabi doono bilowga bisha soo socota ee June.

Shaacintaasi ayaa timid wax yar kadib, markii ay Dacwad-oogayaasha iyo Kooxaha Difaacayaasha u ah Eedeysanayaashaasi yeesheen Shir ay albaabadda u xirteen, oo uu Guddoominayey Garsooraha qaadayo Dacwadaasi oo lagu magacaabo Alfonso Owiny Dollo.

Eedeysanayaasha lala xiriirinayo qaraxyaddii mataanaha ee Kampala ayaa kala ah:-

  1. Hussein Hassan Agad,
  2. Idris Magondu,
  3. Isa Ahamed Luyima,
  4. Hassan Haruna Luyima,
  5. Abubakari Batematyo,
  6. Yahya Suleiman Mbuthia.
  7. Habib Suleiman Njoroge,
  8. Omar Awadh Omar,
  9. Mohammad Hamid Sulaiman,
  10. Seleman Hijar Nyamandondo,
  11. Mohammad Ali Mohammad,
  12. Dr Ismael Kalule,
  13. Muzafar Luyima

Qaraxyaddii Mataanaha ee bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii ka dhacay Kampala waxaa ku geeriyootay 76 qof.

Xigasho:- New Vision 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor