Badmaaxiin shisheeye oo afduub loogu haystay Gobalka Mudug oo la sii daayey

Wararka naga soo gaarayo magaalladda Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan inay halkaasi soo gaareen 28 Badmaaxiin Shisheeye ah oo ay sii daayeen Burcad-baddeed afduub u haysatay muddo 4-sanno ah.

Burcad-baddeeda ayaa la sheegay in la siiyo Lacago madax-furasho oo aan la cayimin, si loo sii daayo Badmaaxiintaasi oo shaqaale ka ahaa Dooni Ganacsi oo lagu magacaabo Nihaam 3, taasi oo la qafaashay sannadkii 2014-kii.

Badmaaxiinta la sii daayey ayaa laa filayaa inay maanta u dhoofaan magaalladda Nairobi, sida ay sheegeen Ilo-wareed ku sugan magaalladda Gaalkacyo.

Lama shaacinin Badmaaxiinta dalalka ay u kala dhasheen iyo Kharajka loo bixiyey madax-furashadda lagu sii daayey.

Sii-dayntooda ayaa timid dhowr maalmood kadib, markii uu Xoghayaha Guud ee QM ee Xilligiisu dhamaaday, Ban Ki-moon sheegay inay Burcad-baddeeda Soomaalida afduub ahaan u haystaan 44 Badmaax, oo 5 mid u dhasheen Kenya.

 

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor