Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga aha ku yeelan doona Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ajendaha kulanka ayaa ah u Codeynta Hindise Sharciyeedka Biyaha iyo Soo Bandhiga Xisaab Xirka 2015 & 2016.
Sabtida Maanta ayaa xildhibaanada lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan kulanka Baarlamaanka Soomaaliya sida ay sheegeen in xildhibaanada qaarkood.
Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta  Saalim Caliyow Ibrow ayaa markale hortegi doona Xildhibaanada Baarlamanka si uu ugu cadeeyo muhiimada sharcigaan.