Golaha Wakiillada ayaa waxaa maanta la hor keenay mooshin xasaanad ka qaadis oo ay ku saxiixan yihiin 38 Mudane oo ka dhan ah Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo lagu soo eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka dowlad Goboleedka Puntland.
Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag 39 mudane xasaanaddii uga qaadeen xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) halka Guddoomiayaha Golaha Wakiillada Puntland uu ka aamusay.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa Mooshin xilka uga qaaday C (Dhoobo Daareed), hayeeshee waxaa uu dhowr jeer ku celceliyay inuu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.