Madasha Xisbiyada oo Baaq kasoo saaray dagaalkii ka dhacay Mudug

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaaminyo Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War kasoo saaray dagaalkii shalay kasoo Cusboonaaday deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug.

Madasha Xisbiyada ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin dagaalkii dhiiga badan ku daatay ee dhexmaray laba beelood ee kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale Madasha Xisbiyada ayaa ku baaqay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, waxaana waxgaradka, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ka dalbadeen inay ka qeyb qaataan joojinta Colaada.

Ugu dambeyntii Madasha Xisbiyada Qaran ayaa tacsi ku dirtay Eheladii iyo qaraabadii dhammaan dadkii uga  geeriyooday dagaalkii ka dhacay deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo, halka kuwii dhaawacmay Alle looga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Hoos ka Akhriso Warka kasoo baxay Madasha Xisbiyada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media