Siihayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wasiir Sadiiq xirsi Warfaa ayaa Garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo xubno kale ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna Warfaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.
Ujeedanka socdaalka Siihayaha xilka Wasiirka Shaqada ayaa waxaa uu la xiriiray qiimeynta Barnaamijka Baxnaano ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu daahfuray 18 bishii April ee sannadkan 2020ka. Barnaamijkaas oo Dowladda Soomaaliya ku taageerayso Muwaadiniinta nugul, wuxuu si isku mid ah ugu socdaa dhammaan Dowlad-gobolleedyada Dalka.
“Waxaa kalo sharaf inoo ah Dowladda Soomaaliya inay taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siinayso Muwaadiniinta uu saameeyay ayaxa ku habsadday qaybo ka mid ah Dalka, arrintan oo qayb ka ah socdaalka Baydhabo” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Wafaa.