Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada labaad ee Galmudug, waxaana kulan shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Codsi ka yimid Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kaasi oo ku aadan in muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wasiirada Galmudug ilaa inta Qoorqoor kasoo dhisayo Golihiisa Wasiirada Cusub.
Soo jeedinta Codsiga ka yimid Madaxweynaha ayaa waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka kahor Akhriyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Ugu dambeyntii Xildhibaanada Galmudug ayaa ansixiyay Codsiga uga yimid dhanka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waxaana laga dalbaday in Golihiisa Wasiirada Cusub uu kusoo dhiso muddo bil ah.