Axmed Madoobe iyo Guudlaawe oo kulan gaar ka yeeshay Doorashada Madaxweynaha

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Axmed Madoobe ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa looga wada arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka iyo dhammeystirka geedi socodka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta dhaceysa.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa kulankooda inta uu socday kusoo hadal qaaday xaaladdaha ka jira deegaanadood ee Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa Caasimadda u yimid ka qeyb galka doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor