Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Manoah Esipisu ayaa shaaciyey in Askarta Kenyanka ee ku sugan Somalia loo qeybiyey Mushaarkii dhowrka bilood ee ka maqnaa.
Afhayeenka ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay in Heshiiskii ay kala Midowga Afrika iyo kan Europe uu sahlay in Askarta AMISOM la siiyo Mushaarkooda.
“Madaxweynaha waxa uu si diiran u soo dhaweeyey Heshiikaasi oo taageerayo Ajendaha Midowga Afrika ee Ammaanka iyo Nabadda Afrika” ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray inuu Ajendahaasi ammaan ka dhigayo dalalka Somalia, Kenya iyo kuwa Gobalka.
Askarta AMISOM oo muddo 9 bilood mushaar la’ ayaa loo qeybiyey mushaarkooda, kadib, markii ay Midowga Europe ku yabooheen in ku dhow 200-million oo Dollar oo loogu tala-galay Mushaaraadka Askarta AMISOM oo keliya.
Dhinaca kale,. Askarta Dowladda Federalka ayaan wax Taageero Lacageed ka helin Midowga Europe,oo iyagu u muuqda kuwo naasnuujiya Askarta AMISOM oo keliya.
©Radio Dalsan