Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa u sheegay Garsoorayaash Maxkamadd Garsoorka Caalamiga ee ICJ inay Dowladda Kenya joojisy dhamaan Hawlgalladii Sahanka ee ka ssocday XuduudkaBadda ee lagu murnsan yahay.
Waxa uu tilmaamay in go’aankaasi lagu muujinayo Niyad-wanaag iyo Daacadnimo, waa sid uu hadalka u dhigay.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya oo ay wehliyeen Koox ka kooban 22 qof oo isugu jirta Sharci-yaqaano iyo Diplomaasiyiin ayaa ahaa Ergaddii Kenya uga wakiilka ahayd Dhegeysiga Kiiskaasi ee Maxkamadda ICJ ayaa sheegay inay weli furan tahay inay Labada Dowladood kaga wada xaajoodaan Muranka Xuduud-baddeedkaasi.
Dowladda Kenya waxay Shirkado Reer Galbeed Qandaraas ku siiyeen inay shidaal ka baaraan 3 goobood oo ka tirsan Xuduudka Badda ee lagu muransan yahay
Dhinaca kale, Ergadda Soomaalida uga wakiilka ahaa Maxkamadda Garsoorka Caalamiga ee ICJ oo uu hoggaaminayey Danjiraha Somalia u jooga dalka Belgium, Anbassador Cali Saciid Fiqi ayaa ku gacan-sayray Qorshihii Ergadda Kenyanka ku doonayeen inay Maxkamadda ICJ joojiso acwadaasi iyo inay Labada Dowladood ka wada xaajoodaan Muranka dhinaca Badda.
©Radio Dalsan